War-Murtiyeed Kusaabsan Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka

War-Murtiyeed Kusaabsan Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka

War-Murtiyeed

03 January 2019:  kulan ay yeesheen  xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Xirfadleeyda ee ku mideysan Dallada Bulshada Rayidka  ee SONSA oo horay loo oran jiray SOCENSA , waxa ay ka walaacsanyihiin  xaaladaha ku gadaaman xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafyada ka dhex jira Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleeyada & wada shaqayn la’aanta  Dowlada Federaalka iyo Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay(UNSOM). Dallada oo ka duulaysa ixtiraamida madax banaanida iyo karaamada Dalka , una  kuurgalaysa saamaynta ay keeni karto khilaaf iyo jahwareer saamayn ku yeealan kara dhismaha, xasiloonida  iyo horumarka Dalaka.

Dalladu , waxa ay adkeyneysaa, soona  jeedinaysaa talooyinkaan hoos ku xusan;

  • Iydoo Dalku hiigsanaayo horumar, waxaa laga maarmaan ah in khilaafyada siyaaseed ee wax u dhimi kara xasiloonida iyo horumarka dalka lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham.
  • Bulshada rayidka ah waxaa ay aaminsantahay in ay yaraanayaan fursadaha muwadiniinta Soomaaliyeed ku cabiri karaan fikradahooda si xor ah, waxa ayna u arkaan in ay waajib tahay in la balaariyo fursadahaas si ka qayb galka dhismaha wadanka uga qaataan kaalin fir fircoon
  • Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleeyada Dalka waa in ay ixtiraamaan saraynta sharciga, xuquuqul insaanka iyo xoriyaadkaa muwaadininta Soomaaliyeed, ayna soo dhaweeyaan aragtiyada iyo dhaliilaha wax dhisaya
  • Dowlada Federaalka, Maamul Gobaleedyada iyo Mucaaradka aan hubeysanayn , waxaa waajib ku ah in ay la yimaadaan nidaam  horseedaya xasilooni siyaadeed oo ku dhisan dulqaad iyo isla xisaabtan.
  • Bulshada rayidka ah waxa ay u argataa laga maarmaan in la magacaabo guddi madax bannaan oo  soo baara tacadiyada lidka ku ah xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay Baydhabo iyo Baardheere, lalana xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysay.
  • gu dambeyntii Dalladdu waxa ay usoo jeedinaysaa Maamul Gobleedyada Dalka in ay ixtiraamaan madax banaanida iyo karaamada Dalka iyaga oo dhowaraya Dastuurka iyo shruucda kale ee Dalka u yaala.

Dhammaad

By |2019-01-31T06:31:41+00:00January 3rd, 2019|POSTS, Uncategorized|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment