Xaflada Daah-furka Xarunta La Socodka Doorashooyinka Dalka ee Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (ESR)

Xaflada Daah-furka Xarunta La Socodka Doorashooyinka Dalka ee Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (ESR)

Muqdisho – Dallada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA oo kaashanaysa machadka EISA iyo PUNSAA ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan heer sare ah oo hal maalin laguna daah-furayay Xarunta La Socodka Doorashooyinka ee Bulshada Rayidka (ESR) taasoo hoostagaysa mashruuca ay Midowga Yurub maalgelinayso ee loogu magacaabo mashruuca Doorasho Nabdoon.

Munaasabadan oo lagu qabtay hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qaybgalay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka iyo wasiiro ka kala socday maamul goboleedyada dalka iyo dawladda federaalka Soomaaliya, wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan ururada bulshada rayidka iyo ururada haweenka.

Ugu horrayntii waxaa kulanka kalmadiisa soo dhaweenka ka jeediyay Guddoomiyaha Xarunka ESR ahna Guddoomiyaha Dallada SONSA Cusmaan Macalin Muxuyadii Shaatah oo ka hadlay muhiimada ay xaruntan leedahay iyo kaalinta ay bulshada rayidka ku leeyihiin doorashooyinka dalka ka dhacaayo.

“Xaruntan waxay gacan ka gaysan doontaa sidii khilaafyada ka dhasha doorashooyinka ee sabab u noqon kara inay waynaadaan looga hortagi lahaa inta ay curdanka yihiin, goob walba waxaa joogi doona sadex qof oo xarunta ka tirsan kuwaas oo kasoo warbixin doona sida ay wax u dhacayaan iyo meelaha khifaalka ka iman karo sidii looga hortagi lahaa” ayuu yiri Guddoomiye Shaatax

Maama Duniyo Maxamed Cali oo furitaankii kulanka kalmad ka jeedisay ayaa si aad ah uga hadashay doorka bulshada rayidka ay ku leeyihiin dhiirigelinta ka qaybgalka haweenka ee siyaasada iyo in loo qareemo qoondada haweenka.

“Ariga moorada way ku wada jiraan waxaraha mareegtaa u dheer ayay Soomaalida ku maahmaahdaa, doorashada waa la wada doonayaa balse gabdhaha waxaa u dheer waxaad wada ogtihiin waxaan soo bilawnay 1968-dii waxaa bilawday Xaawa Yarey qofkii xusuustaa xasuusta markii Ceelbuur laga so doontay waxaa looga saaray side naag inoo dhex fadhin kartaa, xaruntan waxaa ka tirsan Kooxda Shaqada Haweenka WWG waa gabdho gobollada Soomaaliya dhan jooga waxay qiimeenayaan xaalada doorashada iyo kuraasta haweenka” ayey tiri Maama Duniya Maxamed Cali.

Midowga Yurub oo sida guud maaligelinaysa mashruuca NABADDA ayaa waxaa munaasabada daahfurka kasoo qaybgalay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya mudane Nicolas Berlanga oo isagana ka hadlay qodobo dhawr ah oo la xiriira qaabka ay dalka uga dhacayso doorashada soo socota iyo waxyaabaha laga rabo bulshada rayidka inay ka shaqeeyaan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan goobjoog ka ahaado daahfurkan oo ay igu wehliyaan dad leh masuuliyad hay’adeed oo ay kaga shaqeeyaan arrimaha doorashooyinka, daahfurkan wuxuu qorsheesnaa todobo ilaa sided bilood kahor balse xaalado siyaasadeed awgeed ayaan dib ugu dhignay, SONSA, PUNSAA iyo EISA fadlan hubiya inaad la shaqaysaan guddiyada kala duwan ee daadihinaya doorashooyinka, haddii aan wadajirno waxaan abuuraynaa waxwayn marka la eego dadka ka qaybgalaya doorashada taasi waxay noqon doontaa guul wayn, besha caalamka ahaan wax badan ayaa ka fikiraynaa doorashadan iyo sida aan gacan uga gaysan karno inaad horyaal u noqontaan arrintaan, fikrada ugu dambaysa waa ka qaybgalka haweenka ee siyaasada waana in aan taageernaa dadaalkaas” ayu yiri danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Waxaa kulanka kasoo qaybgashay wasiirada Haweenka iyo Xuquuq Aadanaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mawro Xanifa Maxamed Ibraahim oo iyadana kalmada martida goobta ka jeedisay waxay si aad uga hadashay arrimo la xiriira dulmiga iyo cunsuriyada ay dadka qaar ku waayaan xaqa doorashada iyo matalaada.

“Waan ku faraxsanahay inaan qayb ka ahaado madashaan qurxoon, xaruntaana waa mid muhiim ah oo loo baahan yahay, doorashooyin Ayaan u soconaa waxayna u egtahay midii hore loosoo maray haka badnaato ergada haka badnaato deegaan doorashada  balse waa doorasho qaabkeeda lasoo maray,waxaan rajaynayaa in xaruntaan ay noqoto mid kaabid u noqota doorashooyinka ayna xafiisyo ku yeelato dhammaan magaalooyinka doorashada ka dhacayso, warbiixina laga soo qoro doorashooyinka, hadduu tacadi dhacay ama qof lagu xadgudbay ma ahan in dumar kaliya lagu xadgudbo raga xitaa waa lagu xadgudbi karaa in lasoo gudbiyo ayaa la rabaa”

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cabdixakin Xasan Ashkir oo wakiil ka ahaa xukuumada federaalka Soomaaliyeed ayaa shirka kasoo qaybgalay wuxuuna ka hadlay in xaruntan ay gacan ka gaysan karto habsami u socodka doorahsooyinka.

“Doorashada hanaan ayey soo martay oo marna hakanayay hada siday u socoto waa wanaagsan dadaal badan iyo juhdi badan waa la galiyay cid walba oo kaalin ka qaadanaysa oo ay ka mid tahay madashan manta halkan laga daahfuraayo oo ay bulshada rayidka hormuudka u yihiin waxay ka qaybqaadanaysaa daahfurnaan oo doorashada”

Kulanka oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa gabagabadii ka hadlay Maxamed Cadceed Cali agaasimaha dallada SONSA oo faahfaahin iyo sharaxaan ka bixiyay Xarunta La socodka Doorashooyinka isagoo sheegay qaabka ay xarunta si daahfuran ugu dabooli doonto macluumaadka isku-dhacyada ee goobaha codbixinta.

 

Abubakar Yasin
Communications Specialist

Dallada Jilayaasha Aan Dawliga Ahyayn (SONSA)
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta
Email: communicationofficer@soscensa.org
website: www.sonsaplatform.org

By |2022-06-01T06:48:27+00:00June 30th, 2021|POSTS|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment