13 May 2019: Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA kuna mideysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Xirfadleyda, waxa ay walaac weyn ka muujinaysaa sida uu ku dhamaadey shirkii Garoowe oo runtii rajo badan laga qabey in hishiis laga gaaro khilaafka hogaamiyaasha dowlada federalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
SONSA waxa ay nasiib daro ku tilmaameysa in hogaamiyaasha siyaasada ee ku shirey Garoowe aysan marna ku xisaabtamin xaalada adag ee uu maanta dalka marayo, haddii ay ahaan laheyd arrimaha siyaasada, amniga iyo tan dhaqaale, waxeyna arintaas dhaawaceysaa rajadda ay bulshada ka qabeen hogaamiyaashaasha siyaasadda dalka.
SONSA waxa ay ka digeysaa in aragti kala duwanaashaha hogaamiyaasha siyaasada uu saameyn mugdi ah ku yeesho mustaqbalka ayaaha Soomaaliya, waxa ayna soo jeedineysaa in ay ka waantooban khilaafka ku dhisan aragtida shaqsiga oo ay kala qabaan, wax walbana lagu xalliyo sharciga dalka, isla markaasna la ixtiraamo doorka iyo kaalinta gollaha shacabka ku leeyahay waxyaabaha ay isku haystaan.
Waxaan aaminsannahay in khilaafka u dhaxeeya dowlada federalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uu caqabad ku noqdey hannaanka dhismaha hay’adaha dowlada, mana la aqbali karo in uu sii socdo iyadoo xaalad adag lagu jiro.
Ugu dambeytii, Ururada Bulshada Rayidka, waxa ay ku baaqayaan in hogaamiyaasha dowlada federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, shirka dib laysugu soo laabto iyadoo goobjoog ka naqonayaan ururada bulshada raydka.
Wabilaahi Towfiiq
Leave A Comment