Bulshdada Rayidka oo Kulan Wadatashi ah la Yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka

Bulshdada Rayidka oo Kulan Wadatashi ah la Yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka

Muqdisho 06 December 2021–Bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble maanta shirka Wadatashiga taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka. 

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa socodsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka, waxaana kasoo qaybgalay xubnaha ugu muhiimsan Xarunta La Socodka Doorashooyinka ee (ESR) iyo Kooxda Hawlaha Haweenka ee (WWG).

Ugu horrayn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey halka ay marayso doorashada baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in laga guuleystay dhamaystirka aqalka sare ee baarlamanka, isla markaana la bilaabay doorashada aqalka hoose. Mudane Rooble ayaa xusay in ay jiraan caqabado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxayaan guddiyada doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladnimadu tahay meerto iyo qori isu dhiib, isagoo tilmaamay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta  doorashooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeeg-bixinta.

Ra’iisul Wasaare ayaa bogaadiyey kaalinta bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed kaga jiraan dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo taabbagelinta nidaam dowladeed oo u adeegaya danaha ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

 

Abubakar Yasin
Communication Specialist

Dallada Jilayaasha Aan Dawliga Ahyayn (SONSA)
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta
Email: communicationofficer@soscensa.org
website: www.sonsaplatform.org

By |2022-06-01T06:50:48+00:00December 6th, 2021|POSTS|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment