Warbixinta Xarunta La Socodka Doorashada – Soomaali

Warbixinta Xarunta La Socodka Doorashada – Soomaali

Xarunta Lasocodka Doorashada ee Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (XLD), waa madal ka shaqaynaysay isku-dubarididda iyo falanqaynta khilaafaadka doorashada la xiriira intii lagu gudajiray doorashooyinka dadban ee Soomaaliya 2021-22. Xarunta lasocodka doorashada waxaa la aasaasay bishii Janaayo 2021 waxaana aasaasay Dalladaha Jilayaasha Aan Dawliga Ahayn ee Bulshada Rayidka oo ay kamid tahay Somalia Non-State Actors (SONSA) iyo PUNSAA oo taageero ka helaya Machadka EISA, si ay ula socdaan doorashada Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha Soomaaliya. Ujeedada xaruntani waxay ahayd in kor loo qaado wada shaqaynta iyo in si firfircoon loogu doodo doorasho nabad ah, koruqaadida ka qaybgalka haweenka iyo in jawaabo degdeg ah laga bixiyo khilaafaadka. Warbixintan iyo talooyinka ku jiraaba waxay lafagur iyo falanqayn ku samaynayaan natiijooyinka kormeerkii xarunta lasocodka doorashada ee khilaafaadka doorashada intii lagu jiray xiliga doorashada. Xaruntu waxay kormeertay dhammaan afartii doorasho oo ay ku jiraan kuwa Aqalka Sare, Aqalka Hoose, iyo sidoo kale, doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa, iyo doorashada Madaxwaynaha si loo qiimeeyo lix arrimood oo waaweyn oo khilfaadka dhaliya/abuura.

Iyada oo qayb ka ah waajibaadkii loo igmaday Xafiiska Lasocodka Doorashada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxay kormeer ku samaysay doorashooyinka dadban ee Aqalka Sare, Aqalka Hoose, Gudoonka Baarlamaanka, iyo Madaxwaynaha, iyada oo loo eegayo lixda arrimood ee khilaafka dhaliya ama kahortagga khilaafaadka doorashada, kuwaas oo ay ku jiraan: 1) awoodda nidaam sharci oo keena tartan doorasho oo ku dhisan xeerar cad; 2) kalsoonida hay’adaha maamulka doorashada iyo heerarka xirfadeed, hufnaanta iyo kalsoonida ay daneeyayaashu ku qabaan maamulka doorashada; 3) u hoggaansanaanta xeerarka iyo ku dhaqanka dhaqangelintooda; 4) ka qaybgalka bulshada rayidka ah iyo warbaahinta; 5) heerarka ka qaybgalka gaar ahaan haweenka; iyo 6) xuquuq racfaan oo madax bannaan oo qof kasta oo ka cabanaya go’aan maamul uu awoodi karo.

 

HALKAAN KASOO ROGO – NOOCA AF-SOOMAALIGA

 

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta BR

Abubakar Yasin

By |2022-07-25T10:55:01+00:00July 25th, 2022|POSTS|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment